Ryan Gravenberch Oo Shaca Kaqaaday Qorshaha Liverpool Ay Ku Joojineyso Mbappe Kulanka Caawa

Все блоги / DLE движок для сайтов 4 ноября 2025 15   
Ryan Gravenberch Oo Shaca Kaqaaday Qorshaha Liverpool Ay Ku Joojineyso Mbappe Kulanka Caawa
Ryan Gravenberch ayaa qirtay in joojinta Kylian Mbappé aysan sahlanayn, balse kooxdiisu ay isku dayi doonto wax kasta oo ay awoodo.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id ka hor kulanka Liverpool iyo Real Madrid, ayuu yiri:“Joojinta Mbappé ma fududa, laakiin waxaan gelin doonnaa awooddeenna ugu badan.”

Gravenberch wuxuu intaas ku daray in difaaca Liverpool Ibrahima Konaté uu si fiican u yaqaan Mbappé, maadaama ay ka soo wada ciyaareen xulka France.

“Konaté si fiican ayuu u garanayaa Mbappé, sidaas darteed waa muhiim inaan la tashanno oo aan ka faa’iideysanno waxa uu ka yaqaan. Mbappé waa ciyaaryahan heer caalami ah, wuxuu ogyahay sida uu u ordo gadaasha difaacyada uuna u gaaro kubbadda.”

Mbappé wuxuu ku jiraa qaab ciyaareed aad u sarreeya, isagoo gool dhaliyay dhammaan kulamada Real Madrid xilli-ciyaareedkan, marka laga reebo ciyaartii ay ka hortageen Mallorca.

Dhanka kale, Liverpool waxay ku jirtaa xaalad adag, iyadoo hal guul kaliya heshay todobadii kulan ee ugu dambeeyay, halka lix kalena laga badiyay.Waxaa muuqata in kooxda Arne Slot ay wajahayso imtixaan adag marka ay la ciyaarayaan Real Madrid oo ku jirta xaalad wanaagsan oo kalsooni leh.
  • Оцените публикацию
  • 0

💬 Комментарии

В связи с новыми требованиями законодательства РФ (ФЗ-152, ФЗ «О рекламе») и ужесточением контроля со стороны РКН, мы отключили систему комментариев на сайте.

🔒 Важно Теперь мы не собираем и не храним ваши персональные данные — даже если очень захотим.

💡 Хотите обсудить материал?

Присоединяйтесь к нашему Telegram-каналу:

https://t.me/blogssmartz

Нажмите кнопку ниже — и вы сразу попадёте в чат с комментариями

Похожие публикации

Архив публикаций