M.Salah ayaa laga reebay kooxda Liverpool ee u safreysa Inter.
Romano ayaa shaaca ka qaaday in Mo Salah, sida la filayo laga reebay kooxda Liverpool ee u safreysa si ay ula ciyaarto Inter ka dib hadaladii uu jeediyay.
Xiddiga 33 jirka ah ee reer Masar ayaa ku eedeeyay kooxda inay si khaldan u maareysay wadahadalladiisii qandaraaska ee hakad galay isla markaana ay keydka ku fadhiisisay iyada oo aan wax sharraxaad ah laga bixin ka dib isku aadka fowdada ahaa ee Sabtidii.
Liverpool ayaa dooratay inay ka saarto kooxda safarka ee Talaadada si ay ula ciyaarto Inter Milan garoonka San Siro, go’aan ay dadka gudaha ku jira ku tilmaameen taageerada Slot xilli kooxda aysan wax guul ah gaarin afar kulan.
Saaxiibada kooxda sida kabtanka Virgil van Dijk ayaa taageeray baahida loo qabo in qof walba uu helo booskiisa, halka Salah uu tababarka ka soo muuqday Isniintii isagoo aan jirin xiisad muuqata.
Iyadoo qandaraaskiisa uu ku eg yahay 2026 iyo AFCON uu soo dhawaanayo dhammaadka toddobaadkan, mustaqbalkiisa dheer ee Anfield weli lama hubo.
Источник: dlepro.com
Похожие новости
- Ajax-отправка форм в админпанели - модуль AdminAjaxForms
- Весенняя акция на лицензии DataLife Engine
- Arne Slot ayaa eedda dusha ka saaray hal qof ka dib guuldarradii Liverpool ka soo gaartay Galatasaray..
- Chelsea oo go’aansatay inay iibiso Liam Delap ka dib markii uu hal gool dhaliyay tan iyo markii uu xagaagii ku biiray.
- Sidee habeenkii naxdinta lahaa ee Kinsky u dhacay ka hor inta aan la badalin daqiiqadii 17aad..
- Luka Modric ayaa soo afjaray wararka xanta ah ee la xiriirinaya inuu ku laabanayo Real Madrid, isagoo ku adkeysanaya inuu….
- Alejandro Garnacho ayaa ka digay in mustaqbalka Chelsea uu noqon karo mid aad u fool xun iyadoo halyeeyga kooxda uu ku..
- Chelsea oo qalbi jabisay Wrexham ka dib markii VAR ay ku guuleysatay….
- Kooxda Real Madrid ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa Sandro Tonali oo ka tirsan NewcastleUnited.
- MIKEL ARTETA ayaa sheegay in Arsenal ay isku dayday shax cusub muddo TOBAN DAQIIQO ah ka hor guushii 2-1 ee FA Cup ee Mansfield.